Jubaland oo ka hadashay war-murtiyeedka laga soo saaray shirka Dhuusamareb 3

Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay war murtiyeedkii xalay laga soo saaray shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen Jubblanad iyo Puntland, kaasi oo heshiis looga gaaray nooca doorashada dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay war murtiyeedka shirka laga soo saaray ayaa sheegay inuu ahaa mid kadis kusoo gaaray, haddana ay Jubbaland ka tashaneyso go’aankii ay ka qaadan laheyd arrintaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Duqa Muqdisho ayaa waxaa ay go’aan ka gaareen nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, xilli kulankii ay ku yeesheen Dhuusamareeb ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland.

Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb-gelin wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa hora dhowr jeer ugu eedeeyay Madaxweyne farmaajo in uusan fulin heshisyo uu la galay sidoo kale Xukuumadda xilka siiheysa ay gaarayaan go’aano masiiri ah oo sharci darro ah.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay soo saaraan Go’aamo a xiriira mowqifkooda ku aadan qodobadii ay soo saareen Madaxdii ku shiraty Dhuusamareeb.

Madaxdii tagtay Dhusamareeb waxay shegeen in markii ay si qotodheer ay uga wadatashadeen qaababka doorasho ee ay soo jeediyeen guddigaas ay isla qaateen deegaan doorasho, waxaana qoddobadii shirka kasoo baxay kamid ahaa:

  1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid deegan doorasho ah
  2. In guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka oo kaashanaya maamulada dowlad goboleedyada fududeeyan dhisida guddi xulis oo loo dhan yahay oo ka kala imanaya odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
  3. In ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imaneysa beesha kursiga wadaagta.
  4. In dowlad goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
  5. In codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaalla la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhammaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
  6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
  7. Guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
  8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
  9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo guddiga madaxabanaan ee doorashooyinka qaranka iyagoo kaashanaya maamulka dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.
  10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
  11. In Baarlamaanka dowlad goboleedyadu doortaan xubnaha Aqalka Sare.
  12. In heshiiskan loo gudbiyo golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
  13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka uu dardargaliyo hirgelinta doorashada.
  14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada dowlad goboleed ee shirka ka maqan.
  15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka
  16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.

    17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.