Sidee loo qorsheeyey loona fuliyey weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiigii loo xil saaray Baaritanka weerarkii argagaxiso ee 10-kii bishan August ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa waxay dhawaan si rasmi ah usoo bandhigeen natiijada kasoo baxday baaritan ay sameeyeen.

Guddiga oo bixiyey warbixin ku saabsan arrinkaasi ayaa waxay sheegen in labo cisho ka hor maalintii weerarkaasi, xabsiga la galiyay hub u fudeydiyay maxaabiistii shabaabka ahaa inay weerar ka fuliyaan gudaha xabsiga.

Qorshaha weerarkaasi ayaa billaabmay 8-dii bishan inta la ogyahay, iyada oo hub iyo bambaanooyin lagu dhex qariyay Hilib iyo Jawaan Liin ah, gudaha loo geliyay xabsiga, halka 10-kii bisha oo ah maalinkii weerarkaasi fulayey gudaha xabsiga lagu daabulay rasaas dheeri ah.

Kadib markii uu hubkaasi u gaaray siduu qorshaha ahaa, maxaabiistii Shabaabka ahaa ee ku howlanaa fulinta weerarkaasi, ayaa waxay si toos ah u bilaabeen weerarkaasi maalin-nimadii Isniinta oo aheyd maalinkii xabsiga lasoo galiyay rasaasta badan.

Maxaabiista ayaa dagaal toos ah la galay ilaaladii xabsiga, halka uu mid kamid ahna uu baxsaday intuu uu weerarku socday, kaasi oo sarkaal ciidan ah ku dilay afaafka hore ee xabsiga.

“Hubka oo ay ku jireen bastoolado iyo bambooyin ayaa lagu dhex qariyay hilib iyo jawaan liin ay ku jirto, waxaana u suurto-gashay in maxaabiistii ku howlaneyd dhibtaasi uu gaaro hubkaasi” ayaa lagu yiri warbixinta baaritaanka.

Waxa kale oo warbixintaasi lagu yiri “Guddigu waxay caddeeyeen in maadaama uu soo dhamaaday baaritaankii ay sameeyen ay arrinta ku wareejiyeen xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida”.

Dhacda weerarkaasi ayaa waxa loo xiray 27-qof oo ay kamid yihiin 12 ciidanka asluubta ka tirsan oo saraakiil ay ku jiraan, 6-qof oo shacab ah iyo 9-kamid ah maxaabiistii xukuneyd oo iyagu qeyb ka qaatay weerarkii argagaxiso ee ka dhacay gudaha xabsiga.