Sidee ayey Somaliland ugu guuleystay wax ay awoodi waayeen DF, Mareykanka, Turkey, Kenya iyo Ethiopia?

Hargeysa (Caasimada Online) – Goobaha ay Al-Shabaab ka howlgalaan ee Soomaaliya ayaa kordhay, xilli ay weli socdaan weeraradda drone-ka Maraykanka ee Soomaaliya. Inkastoo ay Al-Shabaab ay wiiqeen Maraykanka iyo Midowga Africa, haddana awoodda Al-Shabaab ay u leeyihiin in ay qorsheeyaan islamarkaana ay qaadaan weerarro ka dhan ah dhinacyadda kasoo horjeeda waa khatar dhameystiran.

Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa ku guul dareystay in ay dhul ka helaan Somaliland. taas bedelkeeda, Al-Shabaab iyo Daacish waxay si fudud uga howlgalaan Puntland oo deris la ah Somaliland.

Miisaniyadda militariga Somaliland waxaa ay u muuqataa xisaab qaldantay markii la bar-bar dhigo waxa ay beesha Caalamku Soomaaliya ku bixiyaan. Somaliland kuma tiirsana ciidan shisheeye – Maraykankuna ma ogola in uu weerarro diyaaradeed ka fuliyo jamhuuriyad aan la aqoonsaneyn.

Somaliland oo khayraadkeedu xadidan yahay waxay ku guuleysatay wax ay awoodi waayeen militariga Dowladda federaalka, Mareykanka, Turkiga, Kenya iyo Ethiopia oo ah inay ku guuleystaan Al-Shabaabka Koonfurta Soomaaliya. Somaliland waxay diiday in Al-Shabaab ay soo cago dhigto deeganadeeda.

Sidee Somaliland sidan ugu guuleysatay?

Ugu horeyn, Somaliland waxay leedahay Dowlad ka jawaabta baahida muwadiniinteeda. Taasi waxay keentay in iyadoo ay jirto kala qaybsanaan siyaasadeed, hadana ay dadka Somaliland taageeraan islamarkaana aaminaan wakiilada ay doorteen iyo madaxtooyada.

Mar labaad, istiraatiijiyadda aragagixiso la dirika Somaliland waxa ay ku dhisan tahay Sirdoonka Shacabka. Sirdoonka Shacabka oo saxan islamarkaana waqtigiisa kusoo aada ayaa ogolaanaya in laga jawaabo qataraha kusoo dhowaanaya ayada oo laga faa’iideysanayo xiriirka tooska ah iyo midka aan tooska ahayn ee militariga Somaliland iyo sirdoonka kala dhexeeya bulshooyinka u nugul Al-Shabaab.

Taageeradda maxaliga ah iyo ka qayb qaatayaaasha dadaaladda argagixiso la dirirka ayaa qayb muhiim ah ka ah dagaalka Somaliland ay kula jirto Al-Shabaab. Taas la’aanteed dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay dhex geli lahaayeen magaalooyinka iyo tuulooyinka nugul, waxayna ka sameysan lahaayeen saldhiyo waara.

Awooda ay Al-Shabaab u leeyihiin in ay bulshooyinka dhex galaan waxay ku caddahay qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay Puntland ka mid tahay. Ka sokoow xeeladaha halista ah iyo fikradooda ay dadka Soomaaliyeed waayo jooga u yihiin, Al-Shabaab waxay heystaan taageero dhab ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale adeegsadaan xiriirkooda sirdoonka iyo amniga, ee Amniyaatka loo yaqaano oo dila dadka kasoo horjeeda.

Si la mid ah ururada argagixisadda ee guuleystay, Al-Shabaab waxay fahamsanyihiin in xiriirka ay la leeyihiin madaxda bulshadda iyo garaadka dadka ay muhiim u yihiin.

Kuwa masuulka ka ah militariga iyo sirdoonka Somaliland waxay sidoo kale fahamsanyihiin muhiimadda uu leeyahay Sirdoonka Shacabka. Waa fahamkaas waxa sahlaya inta badan dadaaladooda argagixiso la dirirka islamarkaana militari iyo boolis aan la maal gelin u ogolaaday in ay Al-Shabaab ka guuleystaan.

Sirdoonka, militariga iyo boolika Somaliland waxay leeyihiin saraakiil sirdoon oo ahmiyadda koowaad siiya dadaaladda ay bulshadu horseedka ka yihiin si ay ula socdaan una qiimeeyaan khataraha jiri kara ee Al-Shabaab.

Akhbaarta ku saabsan dadka dhowaan soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka iyo dhaqanka aan la aqbali karin waxaa loo gudbiyaa cidda amarka ugu sameysa ee gobolka ama caasimadaha ama ilaa qaranka ee caasimadda Hargeysa. Jawaabta ay booliiska iyo militarigu ka bixiyaan khataraha waa sax waana mid waqtiga loo baahanyahay kusoo aada waxaana loogu talo galay goob gaar ah ee khatartaas ka jirto.

Jawaabta noocaas waxaa lasoo bandhigay dabayaaqadii sanadkii 2019-kii markii ay Al-Shabaab galeen gobolka Sanaag ee bariga Somaliland. Sanaag waxa uu xuduud la wadaagaa Puntland waxaana mid ka mid ah gobolladda ugu horumarka liita Somaliland, waxaana uu u nugul yahay in ay Al-Shabaab dhex galaan. Gobolku waxaa uu leeyahay dhul ka sameysan dhagaxyo, meelo biyo faari ah, buuraley iyo dhul xeebeed dheer taasi oo soo jiidaneysa Al-Shabaab.

November 2019, Al-Shabaab waxay dagaalamayaal soo geliyeen islamarkaana kooban u qabsadeen labo magaalo oo ku taala buuraleyda Garof iyagoo kasoo galay dhanka Puntland. Saacado gudahood, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo militariga Somaliland ayaa abaabulay in ay jawaab ka bixiyaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab. Ilaa iyo maanta Al-Shabaab kuma aysan soo laaban dhulkaas.

Ciidanka militariga Somaliland ma heystaan diyaarado, xitaa gaadiidka xamuulka ah waa uu ku yaryahay. Dowladdu waxay ku halgameeysaa sidii ay ciidanka u geyn lahayd meelaha looga baahanyahay, gaar ahaan meelaha wadooyinkoodu liitaan.

Hase yeeshee sirdoon shacab oo heerkiisu sarreeyo iyo xiriirka dhow ee u dhaxeeya hogaamiyayaasha bulshada iyo dowladda ayaa kabaya naaquska ka imanaya dhanka ciidamada. Si loo kabo gaabiska haysta ciidanka, dowladda Somaliland waxay isku halleysaa xiriirka kala dhaxeeya dadweynaha. Tani waa mid ka mid ah sababaha ay Al-Shabaab uga howlgali la’dahay Somaliland

Ayada oo Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Kenya, Ethiopia iyo xitaa saldhigyada Mareykanka ee Soomaaliya iyo Kenya haddana waa ay cago dhigi la’yihin Soomaaliya. Laga yaabo in dhammaan dowladaha kale ee dagaalka kula jira Al-Shabaab ay wax badan ka baran karaan dadaallada argagixiso la dirirka ee Somaliland.

Faalladan waxaa qoray Michael Horton oo ka tirsan machadka daraasaadka iyo taxliilinta siyaasadeed ee Jamestown Foundation. Waxaa tarjumay Mohamed Ahmed oo ka tirsan Caasimada Online.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid