Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu gaaray heshiis doorasho oo ka kooban 17 qodob

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wareegii sadexaad ee shirka Dhuusmareeb ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ayaa lagu gaaray heshiis ku saabsan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo, oo ka kooban 17 qodob, kuwaas oo kala ah:-

1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses).

2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.

3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.

4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu.

5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.

6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.

7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.

8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.

9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.

10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.

11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.

12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.

13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.

14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.

15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka.

16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.

17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka shirka