Markii u horreysay muddo ka badan 300 oo sano ayaa la booqanayaa jasiiraddan

Cape Cod (Caasimada Online) – Markii u horreysay muddo 300 oo sano ayaa jasiirad ku taalla meel dibedda ka ah xeebta Cape Cod ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka waxaa loo furay in ay dadku tagi karaan.

Jasiiradda Sipson ayaa si gaar ah loo lahaa tan iyo sanadkii 1711-kii, markii bulshadii Monomoyick ay ka iibiyeen dad caddaan ah oo degay.

Hadda Jasiiradda oo caawimaad ka heleysa shirkad maxali ah ayaa rajeyneysa in ay dib usoo celiso noloshii iyo qiyamka dadkii dhaladka ahaa ee Maraykanka si jasiirada loo wada isticmaalo.

“Runtii annaga muhiim ayey noo tahay urur ahaan iyo bulsho ahaanba in aan awood u yeelano in aan xiriir la sameyno taariikhda muhiimka ah, aanna qiyamkooda barno dadkii ku noolaa ka hor 1711-kii,” ayuu yiri Madaxweynaha Sipson Island Trust oo lagu magcaabo Tasia Blough.

Jasiiradda oo baaxadeedu la egtahay 106.2 km, lana furay Sabtigii ayaa ku taalla xeebta Cape Cod, halkaas oo sidoo kale loo yaqaano Pleasant Bay – waana goob deegaan ahaan muhiim ah.

“Markii ay beeca ahayd – waxaa jiray ururo yar oo doonayey in ay lacag ururiyaan si ay u ilaaliyaan, ugana dhigaan meel dadka u furan,” ayuu yiri Madaxweyne Blough.

Dhibaatadu waxay ahayd qiimaha, 12 million oo dollar ah, waa qiimo qaali ku ah shirkad aan faa’iido doon ahayn.

Ugu dambeyntii, afartii sano ee lasoo dhaafay hey’ado saaxiibo la ah jasiiradda ayaa caawimaad ka geystay aruurinta lacagta iyo in la kordhiyo waqtigii uu beecu ku ekaa, taasi oo suurtagashay.

Hadda Jasiiraddu waxay u furantahay dadka oo dhan, dadka booqanaya waxaa lagu dhiiri gelinayaa in ay jasiiradda yimaadaan, kana soo galaan xeebta bari. Si kastaba, doomaha duubaan ee dhererkoodu ka yaryahay 22 fet ayaa kusoo degi kara sababo la xiriira kala duwanaanshaha bii’ada ka jirta biyaha.

Qorshaha shanta sano ah, waa in la bur-buriyo seddax ilaa afar dhismo oo hadda jasiiradda ku yaalla, si loo dhiso xarun cilmi baaris iyo waxbarasho. Yoolku waa in la soo celiyo qaab-dhismeedkii dhulka Jasiiradda si loo helo deegaan taageerada barashadda taariikhda iyo cilmi-baarista.