Somaliland oo ‘caqli daro’ ku tilmaamtay tallaabo ay qaaday DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si caro leh uga hadashay tallaabooyinka ka dhanka ah xiriirkooda Taiwan ee wado dowladda federaalka Soomaaliya, oo gacan ka helaysa Shiinaha.

Somaliland ayaa weli ku doodeysa inay tahay ‘dal madax-banaan’ oo xiriiro diblumaasiyadeed la sameysan karta dalalka caalamka, midaasi oo ka hor imaneysa qaranimada jamhuuriyada.

Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa ‘caqli darro’ ku tilmaamtay tallaabo ay dhawaan sheegtay dowladda federaalku inay ku wajahi doonto xad-gudubka Taiwan ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa weli ku adkeysanaysa in xiriirka Taiwan uu yahay mid sax ah oo ku saleysan qiyam, isla markaana qeyb ka ah madax-banaanideeda dowladeeda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland way aragtaa Fal-celinta Soomaaliya ee Xafiiska Taiwan ka furatay Somaliland mid layaab leh oo marin habaabinaya Ummadaha Adduunka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

Waxa kale oo lagu yiri “Jamhuuriyadda Somaliland waxay hore u lahayd xidhiidho diblumaasiyadeed iyo xidhiidho wax ku ool ah oo ay la lahayd Waddamada Afrika, Yurub iyo Aasiya. Xidhiidhka cusub ee Taiwan wuxuu ka mid yahay Iskaashiga Muddada dheer ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamka”.

War-saxaaafadeedkaasi ayaa ugu dambeyntiina loogu digay dowladda federaalka inay ka wantoowdo wax loogu yeeray ‘qoraallada aan summadda laheyn iyo marin habaabinta aduunka’.

Hadalkan ayaa daba socda mid ay dhawaan dowladda federaalku ay uga biyo diiday dhaq-dhaqaaqa Taiwan ee Somaliland, oo iyadu si rasmi ah xafiis diblumaasiyadeed uga furatay magaalada Hargeysa.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay qaadeysaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee waafaqsan qaanuunka caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Qarannimada, Wadajirka, Sharafta Dhuleed iyo Madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaanka ay ka carootay Somaliland.