C/xakiin Cameey: “6 bil oo soo socota SOMALILAND ma sii taagnaan doonto”

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Camey, ayaa daboolka ka qaaday inay la dagaalami doonaan maamulka Somaliland ee uu Hoggaamiyo Muuse Biixi.

Camey, ayaa sheegay in Puntland aysan u dulqaadan doonin in maamul jaar la’ah uu sheegto dowlad ka madax-banaan Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Muuse Biixi uu kala ququbay Soomaalida.

Camey, waxa uu sheegay in Muuse Biixi uu yahay mid halis ku ah Somalia maadaama isagoo jooga muddo aad u yar uu bilaabay hurinta colaadaha ka oloosan Gobolka Sool, sida uu hadalka u dhigay.

“Biixi waxa uu lasoo baxay colaad abuuris Puntland indhaha kama qabsan doonto falalka colaadeed ee uu abuuray Muuse Biixi’’

“Puntland waxa ay jiritaanka Somaliland kusoo gabagabeyn doontaa wax ka yar Lix bilood, wey adkaan doontaa inay sii dhisnaato Somaliland wixii xiligaan ka danbeeya”, ayuu yiri Cabdixakiin Camey.

“Waxaa naga dhamaaday sabarka waxeynu kaashan doonaa awoodeena, Somalilandi-na ha kaashato muruqeeda”.

Sidoo kale, Camey ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka fiirsadaan wixii u dana, ka hor inta aysan dhabar jabin buu yiri maamulka Muuse Biixi.

Haddalka Camey, ayaa imaanaya iyadoo labada maamul ay ciidamo hor leh geeyen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com