Faallo: Maxaa ka qaldan mucaaradka Soomaaliya?

Marna ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku dayacan dalka gudahiisa iyo dibadahaba? Ma aragtay iyagoo ka hadlaya sidii wax loogo qaban lahaa halaynta bay’adda iyo ka hortagga nabaad-guurka bad iyo birri midna? Ma aragtay iyagoo soo bandhigay fikrado xal u noqon kara dhaqaale darida, hagaajinta kabayaasha dhaqaalaha, yareynta saboolnimada, tacliinta iyo cadaaladda? Ma aragtay iyagoo hadal haya qorshe looga difaaci karo macaamiisha danyarta ah  dhiig-miiratada mehradaha ganacsi leh ee hadafkooda keliya yahay sidii ay dhaqso ku taajiri lahaayeen? Miyaad aragtay iyagoo ka doodaya sida ugu wanaagsan ee dalka looga hirgelin karo demokaraatiyad hannaqaada? Miyaad aragtay hindiseyaal loo bogey oo ay golayaasha dalka hor keeneen? Waxyaabahas iyo kuwa kale oo badan oo danta muwaadinta Soomaaliyeed ku jirto annigu ma arag mucaraad ku sheega Soomaaliya oo ka doodaya ama hadal haya. Xaqiiqada se waxay tahay in aysan jirin cid aragtay iyagoo wax nuxur leh oo ay la soo shir tagaan. Waxa keliya ee ay xeel-dheerayaal ku nogdeen sida loo baahiyo waxa afka-qalaag lagu yiraahdo conspiracy theory (aragti shirqool) oo ah in tillaabo kasta oo la qaado iyo wax kasta oo la sameeyo ay ku duugan tahay shirqool iyo damac guracan oo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed. Falcelintooda iyo hadalkoodana waxa uu ku soo koobmay ka daba dheh sida dhoocil dhaajis barad ah.

Annigu ma difaacayo xukumadda Xamar maanta ka jirta, waxaana qirayaa in ay dhanka xukumadda ka jirto gaabis badan, liidnaansho xaad dhaaf ah iyo wax ba’in badan. Laakiin waxaa ka dar oo dibi dhal noqday mucaaradkii ay aheyd in ay ugu yaraan isku muujiyaan kuwo wax dhaama kuwa maanta awoodda haya.

Labo aan kala maarmin

Inkasta oo uusan caalamka maanta jirin waddan loo barbar-dhigi karo xalaadda soomaaliya ku sugan tahay sababo la xiriira amni la’aanta iyo xasilooni la’aanta dabada dheeraatay, hadana waxaa la oran karaa xukumad liidata waxaa u sabab ah mucaraad liita. Dabcan sidoo kale waa la oran karaa mucaarad liita waxaa sababa xukumad liidata. Micnahuna waa labo isku baahan oo aan midkoodna laga maarmin. Marka ay xukumad ma dhalays noqoto ama ka gaabiso howlahii loo igmaday waa waajibka mucaaradka u iftiiminta shacabka waxii ay xukumadda gabtay, tilmaamidda dhabahii laga lumay iyo curinta afkaaro cusub oo lagu gaaaro himilada bulshadu leedahay. Balse haddii kii awoodda hayay ee liitay ka sii daran yahay kii rabay in uu  baddelo soo jugjug meeshaada joog ma ahan.

Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed dowladnimada u haraadsan?

Runtii maanta ma jiro mucaraad nuxur le oo abaabulan oo xambaari kara qarannimada ummadda Soomaaliyeedd. Waxa keliya ee jira shaqsiyaad danley ah oo waxtarkooda ku kooban yahay sidaan horey u sheegay beenta iyo warxumo tashiilka. Hadaan la helin sida ugu dhaqsiyaha badan mucaarad xalaal ah oo hanan kara quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed waa nuga dheeraanayaa geedi socodka aan ugu jirno dowladnimo dhamaystiran. Waxaa xataa dhaci karta in ay naga burburto inta yar ee an hadda haysano. Suurta-galna ma ahan in laga dhexwaayo 12ka malyan ee Soomaaliyeed gabdho iyo wiilal qaluub wanaagsan oo toosiya dowladnimada yar ee aynu hadda haysano.

W/Q: Warsame Elmi
Saxafi madax-banaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid