Caa’isha Romano oo farriin soo dhigtay facebook kadib naceybkii loo muujiyey

Milan (Caasimada Online) – Silvia Romano oo ah gabadha Talyaaniga ee naceybka iyo weerarada la kulantay kadib markii ay shaaca ka qaaday inay Islaamtay, lana baxday, ayaa markii ugu horreysay la hadashay saaxiibadeeda.

“Waxaan idin weydiisanayaa inaadan carroon si aad aniga ii difaacdaan, wixii ugu xumaa ee isoo mari karay waa isoo mareen,” ayey tiri Silvia oo qoraal soo dhigtay facebook, kaasi oo ay arki kareen kaliya saaxiibadeed.

“Dhammaan saaxiibadii ku dhowaa qalbigeyga mudda fog, aad ayaad u mahadsan tihiin, aad ayaad u mahadsan tihiin. Waxaan sidoo kale u mahad-celinayaa kuwa aan saaxiibadey ahayn ee aan I aqoon balse waqti u huray inay iga fakaraan.”

“Dhammaan kuwa waalidkey iyo walaashey sida gaarka ah ee lama filaan taageerada u siiyey, inaan ogaado jaceylka aad ii haysaan waa wax fraxad un keeni kara, aad ayaad ugu mahadsan tihiin.”

“Ma sugi karin inaan kasoo dego diyaaradda, sababtoo ah waxa iigu muhiimsan waxay ahayd inaan la kulmo dadka ugu muhiimsan nolosheyda, waxaan weli dareemayaa diiranaantooda, waxaana u sheegayaa inta aan jeclahay, inkasta oo aan xiranahay dharkan.”

“Waxaan dareemayaa inay eegayeen dhoola caddeyskeyga, una riyaaqayeen la joogisteyda, sababtoo ah ugu dambeyntii waan noolahay, halkan ayaana jooga, waan faraxsanahay, sababtoo ah waxaan arkay in kuwii aan jeclaa ay weli joogaan. Allah ayaa ku mahadsan.”

“Codsigeyga ugu dambeeya wuxuu mar kale yahay inaadan carrood, si aad ii difaacdaan, wixii ugu xumaa ee isoo mari karay waa isoo mareen. Aan ku raaxeysano daqiiqaddan. Waan idin jeclahay.”