Mas’uul ka tirsan dowlada oo sheegay inay qorsheynayaan in lasoo qabto A/Madoobe

Muqdisho (Caaismada Online) – Guddoomiye ku xigeenka gobolkaas ahna ku-simaha guddoomiyaha Cismaan Nuur Xaaji Macalimu ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii loo soo qaban lahaa madaxda maamulka Jubbaland.

Guddoomiye Macalimu oo gacan saar la leh dowladda federaalka ayaa sheegay inay gobolka Gedo ka suuliyeen qof taageersan maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe, isla markaana ay qabashada Jubbaland uga harsan tahay oo kaliya inay soo xiraan seddax nin oo uu Axmed Madoobe ku jiro.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur oo la hadlay Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyeyaashii ay dowladda dhexe u magacawday degmooyinka gobolka Gedo ay si caadi ah u howlgaleen, isla markaana aysan jirin cid ka hor timid markii laga reebo hal nin, kaas oo uu sheegay in aan la xirin, balse laga qaaday degmadii uu isku dhejinayey oo la geeyay magaalo kale.

“Qof maanta Axmed Madoobe taageersan oo gobolka Gedo iska daaye Jubbaland ku noolaan kartaa marto, qabashada Jubbaland-na waxaa nooga harsan oo kaliya in lasoo qabto seddax nin oo kala ah, Axmed Madoobe, Xidig iyo Cabdirashiid Janan,” ayuu yiri Cismaan Nur Xaaji Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

16-kii bishii Abriil ayey aheyd markii ay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnahii isbedel doonka Jubbaland oo uu ku jiray Cabdirashiid Xidig ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Halkan ka dhageyso codka Cismaan Nuur Xaaji