Waa kuma guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamadda G/Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.

Waa kuma guddoomiyaha cusub ee maxkamadda gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda gobolka Banaadir garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan waxa uu shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Pakistan sanadkii 2008-dii, halka Shahaadada heerka labaad uu ka qaatay isla jaamadcaddaas, isagoo ku takhasusay culuumta shareecada iyo qaanuunka.

Sidoo kale, garyaqaan Cabdikhadar waxa uu Shahaado kale oo heerka labaad ah ka diyaariyey diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, isaga oo ka bartay Jaamacadda Kampala.

Garyaqaanka ayaa dhowr iyo tobankii sano ee u danbaysay waxa uu la-taliye dhanka sharciga ah u ahaa qaar ka mid ah hay’adaha dowladda, hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa caalamiga ah.

Dadka yaqaan Banaadir garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan ayaa sheegay inuu yahay nin howl-kar ah oo daacad ah, ayna filayaan inuu xilka u guto si daacadnimo ku dheehan tahay.