Muqdisho: Askari ka tirsan ciidamada Gor-Gor oo lagu eedeeyey kufsiga gabar yar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa ka dhacay fal kufsi ah oo lagu eedeeyey askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen ehellada gabadha la kufsaday.

Ehelada gabadha yar ayaa warbaahinta u sheegay falka lagula kacay gabadhooda yar oo afar jir ah, waxeyna sheegeen in askari ka tirsan ciidamada dhawaan ay tababareen Turkiga uu geystay falkaas kaas oo guriga dhinac ka daganaa.

Adeerka gabadha oo lagu magacaabo Axmed Bootaan ayaa saxaafadda uga warbixiyay wixii halkaas ka dhacay, waxeyna arintaan imaaneysaa xilli dhawaan kiis kufsi caruur ah laga diiwaangaliyay Shabeelada Hoose.

“Magaceygu waa Axmed Bootaan Cabdulle, waxaan adeer u ahay Farxiya Cabdishakuur Bootaan, waxaa dhalay walaalkey Allaha u naxariisto Cabdishakuur Bootaan Cabdulle. Gabadha waxay ahayd afar jir agoon ah, waxayna wax u dhaceen shalay barqadii marka ay saacadda ahayd 10:30am in nin askari oo guriga la deganaa uu qolka ugu soo galay gabadha, askarigaas oo magaciisu yahay Maxamed, oo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee Turkiga uu tababaro. Meesha ayuuna ku kufsaday ayadoo bil Ramadan tahay. Koley sababta uu sidaasi u sameeyay isaga ayaa la weydiin doonnaa, waana xiran yahay, wuxuuna ku xiran yahay Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir, in loo wareejiyo Xarunta CID-da ayaana sugeynaa, oo warqadihii loogu wareejin lahaa ayaan u xanibanahay.”

“Guriga uu falku ka dhacay waa guri laba qol ka kooban, qol waxaa deganaa Farxiya iyo hooyadeed, qolka kalana waxaa kiro ahaan ugu deganaa askariga dhibaatadaan gaystay. Hooyadii suuqa ayay adeeg u doonatay, intii ay maqneyd ayuuna falkaasi sameeyay. Waa 21 jir iskaabulo ah.”

“Dhibaatadaan waxay na soo gaartay, ayadoo aan cadaalad-darro tirsaneynay, ka dib markii gabadhan aabaheed lagu dilay shil ay Ciidamada Uganda ka gaysteen Ceelasha Biyaha, shilkaas oo ay ku dhinteen Cabdishakuur Bootaan Cabdulle, Cabdulqaadir Xuseen Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska iyo iyo Xasan Jeylaani Abuukar oo isna shacab ahaa. Ayagoo ku sugan Ceelasha Biyaha ayay Ciidamada Uganda gaarigoodii jiirsiiyeen, dhacdadaas oo dhacday 26-kii bishii June ee sanadkii 2019 illaa iyo hadda wax cadaalad ah ma helin, oo waxaan ku weynay Farxiya aabaheyd oo aniga walaalkey ahaa.”

Weli wax war ah lagama heli karo askariga la eedeeyey, si uu uga jawaabo eedeynta.

Kiisaska kufsiga ah ayaa kusoo badanaya Soomaaliya, waxaana sidoo kale bishii April ee lasoo dhaafay la diiwaangaliyay kiis kufsi ah oo ka dhacay Shabeelada Hoose gaar ahaan deegaanka Yaaq-bari weyne halkaas oo saddex haween ah oo midi ay geeriyootay dhib loogu geystay.