Deni iyo Beesha Caalamka oo isla gartay qodob la xiriira doorashooyinka Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, ayaga oo ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka oo ku dhacay qaab online oo muuqaal ah, ayaa masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeyb-galay waxaa ka mid ahaa danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden, Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta.

Waxaa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray doorashadda Soomaaliya, islamarkaana in la adkeeyo in xilligeeda ay ku dhacdo, taasi oo beesha caalamka ay sheegtay inay muhiim tahay.

Puntland ayaa horey u qaadacday sharciga doorashooyinka ee la ansixiyey, waxayna sheegtay inaysan ka qeyb-gali doonin doorashada haddii aan laga talo-gelin.