Pompeo oo Netanyahu siiyey go’aanka Mareykanka ee ku aadan ku darsashada Israel ee dhulka Daanta Galbeed

Qudus (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa ogolaansho siiyey Israel, si ay u goosato oo ay ugu darsato qeybo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu Agency.

“Dowladda Israel ayaa go’aan ka gaari doonta arrinta, oo ah goorta iyo sida ay ugu darsaneyso,” ayuu Pompeo ku yiri wareysi uu siiyey Kan Radio oo ku yaalla Israel.

“Waxaan rajeynayaa in Falastiiniyiinta ay fahmaan in nabadda ay wax wanaagsan u tahay,” ayuu Pompeo ku yiri wareysiga oo uu soo xigtay wargeyska Jerusalem Post.

Pompeo ayaa ka hadlayey waxa loogu yeeray heshiiska qarniga ee dowladda Mareykanka ay soo jeedisay, kaasi oo uu diiday madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa Arbacadii Israel ku tegay booqasho hal maalin ah, isaga oo la kulmay Netanyahu iyo Gantz.

Heshiiska Nabadda Bariga Dhexe oo 28-kii Janaayo uu shaaciyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada Qudus u aqoosanaya “caasimadda aan la kala qeybin ee Israel”, wuxuuna sidoo kale qeybo badan oo ka mid ah Daanta Galbeed u aqoonsanayaa inay ka mid yihiin Israel.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in qorshaha Mareykanka uu Israel u ogolaanayo inay ku darsato 30 illaa 40 boqolkiiba dhulka Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Qudus.