Guddoomiye Filish oo ku dhawaaqay qorsho looga hortagayo faafida Covid-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa sheegay in maamulka gobolka uu wado qorsho lagula dagaalamayo Cudurka Safmareeka ah ee COVID-9,kaas oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Magaalada muqdisho ay ka bilaabeen howlgallo lagu buufinayo Xaafadaha iyo wadooyinka qaar si looga hortago faafitaanka Cudurka Coronavirus,dadkana looga badbaadiyo.

“Qorshaha lagula dagaalamayo waa in si hagar la’aan ah la isaga kaashado, gaadiidka waa weyn ee Dowladda Hoose waxa ay buufinayaan Degmooyinka, meelaha aan Gaadiidka geli Karin waxaa buufinaya dhalinyaro haamaha suntan xambaarsan si loosoo afjaro faafidda fayruska” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay laga guuleysto cudurka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay Guud ahaan Caalamka, Duqa Muqdisho ayaa soo jeediyay in la qaato tallaabooyinka loo arko in uusan ku gudbi Karin xannuunka.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filsih) ayaa waxaa uu sheegay xilli xalay uu kormeeray Xaafada Suuq Bacaad oo Maamulka gobolka uu ka waday howlo buufin ah oo looga hortagayo Cudurka.