Caalamka oo ka qeyliyey tallaabo ay qaaday dowladda ABIY AHMED kaddib markii laga qabsaday MEKELLE

Mekelle (Caasimada Online) – Cambaareyn iyo qeylo-dhaan caalami ah ayaa ka dhalatay kadib markii dowladda Ethiopia ay qaaday tallaabo ay ku burburisay buundooyin gargaarka loo mariyo gobolka Tigray, maalmo kadib guul-darradii kasoo gaartay gobolka.

Ciidamada Tigray ayaa Isniintii dib u qabsaday gobolka kadib markii maamulkii iyo ciidamadii taageersanaa Abiy Ahmed ay ka carareen, sideed bil oo ay haysteen kadib. 

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa militariga Ethiopia iyo maleeshiyada Amxaarada ku eedeeyey inay burburiyeen saddex buundo oo dul mara webiga Tekeze, Khamiistii. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada ay waxyeeleeyeen laba buundo oo kale, tallaabadaas oo uu ku qeexay “dadaal ku talo-gal ah” oo lagu xaqiijinayo inaanu gargaarka gaarin shacabka Tigray. 

Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in la rumeysan yahay in ciidamada Amxaarada ay ka dambeeyeen burburinta buundooyinka.  

Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa walaac ka muujisay burburinta buundooyinka, ayada oo sheegtay in xitaa kahor arrintaas ay ciidamada mar walba celin jireen gargaarka loo sido gobolka Tigray. 

Madaxa isku xirka gurmadka deg degga ah ee WFP Tommy Thompson ayaa sheegay in hadda ay u furan tahay oo kaliya hal waddo oo gargaarka la mariyo balse ay aad u dheer tahay, xilli ay dad badan wajahayaan macluul. 

Dowladda Ethiopia ayaa maanta iyana beenisay inay xanibeyso gargaarka, waxayna sheegtay in taas beddelkeed ay dib u dhiseyso kaabayaasha.

“Eedeymaha ku saabsan inaan isku dayeyno inaan dhuun qabano shacabka Tigray, inaga oo aan u diideyna inuu gargaarka gaarka, una adeegsaneyna gaajada hub ahaan, waa wax ka baxsan caqliga,” waxaa sidaas yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen.

“Waxaan adeegsaneynay dadaal kasta oo suurta-gal ah si aan dib ugu dhisno kaabayaasha waxyeelada ay gaartay, oo aan dib usoo celino korontadii, taleefonkii, internet-kii iyo adeegyadii bankiyada,” ayuu yiri.

Dalal iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa cambaareeyey burburinta buundooyinka, waxaana tani ay sii kordhineysa eedeymihii horey loogu jeediyey maamulka Abiy Ahmed ee ahaa inay xadgudubyo culus ka gaysteen gobolka Tigray.