Cadaadiska saaran Farmaajo iyo Rooble oo kordhay kadib xogti uu Mareykanka bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Cadaadis ayaa mar kale ku kordhaya madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib markii Mareykanka uu sheegay in ciidanka Soomaaliya ee la geeyey Eritrea ay ka dagaalameen Ethiopia.

Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas.”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaridka ayaa sheegay “in ilaa iyo hadda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo xukuumada xil-gaarsiinta aysan sheegin halka ay ku danbeeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee Eritrea loo qaaday.”

Waxa kale oo uu sheegay in guddigii uu ra’iisal wasaaraha u magacaabay arrinta dhalintaas in ilaa hadda aan la aqoon meel ay ku dambeeyen iyo wax ay ka qabteen cabashada isa-soo tareysa ee waalidiinta caruurtooda uga maqan tahay Eritrea.

“Guddigii uu Raysal wasaaruhu u saaray meel ay ku danbeeyeen lama yaqaan. Dawlada Maraykanka waxay xaqiijisay in ay ciidan Soomaaliyeed oo Eritrea lagu tababaray ay gudaha Itoobiya ku sugan yihiin. Suuragal maaha in la difiro, ama la iska indha tiro walwalka iyo xanuunka waalidiinta,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo xukuumadda xil-gaarsiinta inay xil dadnimo iska saaran soo celinta dhalintaas iyo ka run sheegista xaaladooda nololeed oo wal-wal ku haysa waalidiintooda.

“Madaxweynaha xilkiisa idlaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta waa in damiir, dadnimo iyo waaldnimo mid uun damqisaa oo waalidiinta intii nool ubadkooda u soo celiyaan, intii dagaal shisheeye ama dayac kale ku dhimatayna uga run sheegaan.”

Dhinaca kale, Senator Abshir Axmed oo arrintaan ka hadlay ayaa asaguna sheegay inay cadeymo hor leh kasoo baxayaan Askar Soomaali ah oo tobabar loogu qaaday dalka Eritrea oo ka bar-bar dagaalamaya kuw Itoobiya.

“Caddeymo dheeri ah oo ka soo baxaya Soomaali maleynayo inay tababar militari ku qaadanayaan Ereteriya ayaa waxay muujinayaan inay ka dagaallamayeen Tigray,” ayuu yiri Senator Abshir

Hadalladaan ayaa imanaya xili uu Mareykanka sheegay inuu ka warqabo in ciidamo Soomaali ah ay joogaan dalka Itoobiya, kuwaasi oo aan si rasmi ah loo xaqiijin inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii Tigray iyo inkale, inkasta oo ay soo baxayaan warbixino la xiriirinaya dagaalkaas.