Hogaamiyaha TPLF oo 8 bil kadib gudaha u galay Mekelle

Mekelle (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda TPLF Dr. Debretsion Gebremichael  ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka.

Tagitaanka Dr. Debretsion Gebremichael ee Magaalada  Mekelle ayaa kusoo aadeyso maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka.

Dr. Debretsion waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigreega oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa ka hor intaan meesha laga saarin.

Hoggaamiyahaan iyo asxaabtiisa waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar uun ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofeembar 2020.

Khudbadiisa oo ay baahisay Tigray Media House, Debretsion wuxuu ku sheegay inuu ka adkaaday “cadowga”. Wuxuu sheegay in dagaalka uusan wali dhamaan.

Muuqaal dhex wareegayay baraha bulshada, Debretsion ayaa lagu arkay isagoo xiran astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay.

Ugu yaraan laba hogaamiye oo kale oo sare oo katirsan kooxda TPLF ayaa sidoo kale la arkayay iyagoo la socda Debretsion.

Xoogagga Tigrayga ayaa Talaadadii qabsaday dhul kale oo ka tirsan gobolkaas, maalin kadib markii ay la wareegen gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee Mekelle, halkaas oo ay ka carareen ciidankii iyo maamulkii taageersanaa Abiy Ahmed.

Mucaaradka ayaa qabsaday magaalada Shire oo 140 km waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Mekelle, sida ay ku warameen ilo-wareedyo amni oo ka tirsan QM, oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Warka ku saabsan qabsashada Shire ayaa horseeday dabaal-degyo ay waddooyinka ku sameynayaan shacabka.