Muxuu TARSAN ku sifeeyey xiriirka Somalia iyo Kenya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) oo u warramayey wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka diblumaasiyadeed ee dowladaha dariska ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.

Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uu mar hoose, marna kor yahay, wuxuuna ku sifeeyey mid marba heer ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan marnaba kala go’i karin shacabka labada wadan, isla-markaana uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi iyo mid darisnimo intaba.

“Kenya iyo Soomaaliya xiriirkeenu marna waa Hoos marna waa kor laakiin marnaba waxaa kala go’in dadka oo had & jeer isu socodkooda iyo ganacsigooda joogta ah, Soomaalidu waa in ay fahamno in aan nahay dad walaalo ah lagana gudbo khilaafka tirada badan ee soo noqnoqanaya”ayuu yiri Danjire Maxamuud Axmed Nuur oo loo yaqaano (Tarsan).

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan uu soo hagaagayo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, isla-markaana adeega safaaraddiisa uu bilaabanayo beri oo Isniin ah.

“Waxa aan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinayaa in Isniinta Safaaradda ay bilaabeyso adeegyadii ay qaban jirtay, Nambarka imaan doona ayaa laga yaabaa in uu badan karo balse waan xalin doonaa”  ayuu sii raaciyey hadalkiisa safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda xumaadaa bilihii lasoo dhaafay, wuxuuna sababay inay safaaradaha kala rartaan xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, walow haatan dib loo soo celiyey xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal oo ah kuwa daris wadaag ah.