Xijaar oo shaaciyey xilliga maxkamad lasoo taagayo burcadda lagu qabtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho iyo howl-galladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidanka amniga.

Xijaar ayaa shaaciyey in howl-galladii ugu dambeeyey oo laga sameeyey degmooyinka Kaaraan, Hodan iyo Wadajir lagu soo qabtay kooxo burcad ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in raggaasi ay haatan xiran yihiin, isla-markaana maxkamad lasoo taagi doono maalinta Isniinta ah ama Talaadada ee todobaadkan.

Taliyaha ciidamada Booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka amni darro ka geysta gudaha caasimada.

Dhinaca wuxuu ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay inay dajiyeen qorshe gaar ah oo wax looga qabanayo, si loo yareeyo jaamka.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshe gaadiidka dugoobay ama jajaban looga qaado waddooyinka caasimada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in qorshahaasi ay wax ka fulinayaan wasaaradda gaadiidka, taliska Ciidanka ilaalada wadooyinka oyo  dowladda Hoose, sidoo kalena ay diyaarinayaan ciidamadii howl-galkaas fulin lahaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe ka jiray ciriiri xoogan oo ay walaac ka muujinayeen gaadiidleyda iyo dadweynaha kale ee ku dhaqan gudaha caasimada.