Waa tuma Ramla: Gabadha Soomaaliyeed ee feerka uga qeyb-galeysa olombikada?

London (Caasimada Online) – Ramla Cali oo ah gabar kasoo jeedo Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb geli doonto tartanka ciyaaraha Olomnbikada adduunka iyadoo ku tartami doonto tartanka Feerka.

Ramla oo 31 jir oo qoraal soo dhigtay barteed Twitter-ka ayaa xaqiijisay inay ka qeyb geli doonto tartanka feerka ee Olombikada.

Ramla Cali ayaa ah Gabar Soomaaliyeed, waxayna noqoneysaa gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo abid si xrifadeysan feerka usoo gudubto iyadoo leh rikooka 3-0 ah oo ah rikoor aad u fiican oo muujinayo heerka ay xirfaddaan ka gaartay.

Ramlo Cali ayaa ku nool dalka Ingiriiska waxana ay hore ugu guuleysatay tartano badan oo ka dhacay gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal kale.

Ramla ayaa qaxooti ahaan u tagtay London iyadoo da’yar jirto, waxayna waqtigaas bilowday barashada xirfadaan.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo horyaalka adduunka” ayay tiri mar la hadleysay saxaafadda.

“Waxaan rajeynayaa markaan sidaas sameeyo in dadku ay aragti wanaagsan ka yeeshaan Soomaaliya.” ayey mar kale tiri Ramla.

Sidoo kale Tartanka Olombikada Adduunka waxaa ka qeyb geli doonto gabar kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Muunira Warasme taasoo iyadana ku tartameysa Taekwondo.

Tartanka Olombikada adduunka ayaa waxaa sanadkaan lagu qaban doonaa dalka Japan, waxaana socoto qaban qaabada loogu jiro iyadoo ay kasoo muuqan doonaan xirfadlayaal ka kala imaanayo wadamo badan .