Caasimada Online oo heshay war-murtiyeedka shirkii madasha (Maxaa lagu heshiiyey aqalka sare?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii madaxda Soomaalida ee ku bahoobay Madasha Qaran uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo lagu kala tagay ayaa maanta laga soo saaray war-murtiyeed aan saxaafadda loo soo bandhigin.

War-murtiyeedkan oo ay Caasimada Online ka heshay ilo-wareedyada ay ku leedahay Villa Somalia ayaa u muuqda in doodii aqalka sare ee baarlamanka heshiis laga gaaray.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in aqalka sare ku koobnaado 54 xubnood, waxaana laga jaray laba xubnood oo horey loogu daray oo la siiyey Puntland.

Labada xubnood ee hadda laga jaray tirada mudanyaasha Aqalka sare ayaa horay waxaa u diidanaa maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka madaxweyne Gaas kasoo horjeeday in faro galin lagu sameeyo.

Hoos ka aqri warmurtiyeedka ay heshay Caasimada Online

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/madasha-war.pdf” width=”700″ height=”1300″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com