Sawirro: Wararkii ugu danbeeyay shirka IGAD ee kusoo xirmay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Shir madaxeedkii urur goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo soo geba geebeyey, waxaana laga soo saaray warmurtiyeeed dhowr qodob ka kooban.

Shirkaani dhowrka maalin la saadaalinaayay ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhurru Kenyatta iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo wufuud kale oo ka socotay dalalka Jabuuti, Uganda, Sudan iyo Koonfur Sudan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo isna la filayay inuu shirka yimaado ayaa ka baaqday ka dib markii diyaaraddii uu la socday ay cillad ku timid.

Shirka maanta ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee Soomaaliya lagu qabto tan iyo sanaddii 1986-kii markaasi oo ururka la aasaasay.

Madaxda IGAD ayaa soo dhoweeyay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto in doorashooyin ay dalka ka qabsoomaan isbuucyada soo socda.
IGAD ayaa ugu baaqday ciidammada AMISOM inay sugaan ammaanka doorashada.

”Meeshii aan la rabnay Soomaaliya wali ma gaarin, balse waxaan ku kalsoonnahay in dadaallo dheeraad ah ka dib ay dalkan u suurtogali doonto in xasillooni buuxda ay ku soo laabato”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ahna guddoomiyaha IGAD.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa laga soo saaray War murtiyeed ka koobnaa 22 qodob ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu soo gabagabeeyo maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Hanaanka maamul u sameynta goboladaasi ayaa waxaa dhawaan la wareegay urur goboleedka IGAD.

Qodobbada kale ee War-murtiyeedka, ayaa Waxaa ka mid ahaa in madaxda IGAD ay isku raaceen in Arrimaha Somalia looga dambeeyo sida xasilinta dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dalka.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxaa looga mahad-celiyay horumarka ay ka sameysay dhismaha maamul goboleedyada, isla markaana sida ugu dhaqso badan lagu dhameystiro dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Waxaa Kulan Gaar ah yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay hakinta Jaadka ee ay Dowladda Federaalka Somalia toddobaadkii hore ay ku dhawaaqday inay hakisay.

Ammaanka guud ahaan magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay gaadiidka laga mamnuucay in ay isticmaalaan waddooyinka qaar.

Waddada aadda garoonka diyaaradaha iyo waddada Maka Al-Mukarrama ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan gadiidka iyo dadka lugaynaya.
IGAD waxaa xubno ka ah dalalka Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Kenya, Sudan, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya.
igad-1

igad-2

igad-3

igad-4

igad-1

igad-2

igad-3

igad-4