Dagaal khasaaro geystay oo uu ku dhaawacmay Weriye caan ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal muddo kooban socday ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia kaasi oo u dhexeeyay ciidamo kawada tirsanaa dowlada.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kaasi oo la sheegay inuu yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Milliteriga ay isku dayeen iney xoog ku jiiraan ciidamo boolis ah oo waddo u xineyd.

Ciidamada Booliska ayaa diiday inay fasaxaan ciidamada kale kadib markii lagu wargaliyay inaanu la fasixi karin wax gaadiid ah.

Dagaalka mudada kooban socday ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ku ekaa.

Dagaalka ayaa la sheegay in markii danbe ay ku baxeen ciidamo kale oo ka kala tirsanaa labada dhinac kaasi oo markii danbe qaboobay.

Dagaal kale oo u dhexeeyay isla ciidamada dowlada oo ka dhacay Degmada Boondheere gaar ahaan Xaafadda Busleey ayaa waxaa isna ku dhaawacmay Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ka tirsan Warbaahinta Dowladda.

Wariye Afrika ayaa la sheegay in Dhaawacu uu ka soo gaaray mid kamid ah Labadiisa Lugood.waxaana Xaaladiisa lagu tilmaamay mid Wanaagsan hadda.

Sidoo kale, Illaa Saddex Qof oo isugu jira Askar iyo Shacab ayaa ku dhintay,waxaana ku dhaawacmay in ka badan intaas.

Dhinaca kale, Maamulka degmada Boondheere iyo saraakiisha ciidamada labada dhinac, ayaan sidoo kale ka hadal dagaalka waxaana lasoo warinayaa in ciidamadii ku dhaawacmay la geeyay isbitaalada si looga dabiibo dhaawacyadii soo kala gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com