Sawirro:- Shirka IGAD ee magaalada Muqdisho oo goordhow soo xirmay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lasoo gabagabeeyay shir Madaxeedkii wadamada ku bahoobay IGAD, kaasi oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Shirkan ayaa waxaaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda South Sudan, iyadoo shirkan ay ka maqan yihiin Madaxweyanayaasha Jabuuti iyo Suudaan.

Qodobada looga hadlay shirkan ayaa waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

Madaxda IGAD ayaa ku baaqay in arrimha Soomaaliya looga dambeeyo dowladda Federaalka, hadii ay ahaan laheyd Xasilinta iyo dib u dhiska.

Madaxda IGAD soo dhoweeyeen shirarkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo sida ay uga go’an tahay in doorasho dalka uga dhacdo.

Sidoo kale, Shiirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed dhowr Qodob ka kooban oo looga hadlay Arrimaha Somalia gaar ahaan dardar galinta doorashada iyo Colaada Koofurta Sudan.

Geesta kale, Waxaana soo xiray shirka Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.
igad-1

igad-2

igad-3

igad-4