Dowladda Somalia oo dib u fasaxday Jaadkii Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir madaxeedkii IGAD ayaa goordhaw lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, qodobbo badan ayaa ka soo baxay shirka waxaana ugu muhiimsanaa arrimaha la xiriira Soomaaliya,

Heshiiska la hadalhayo waa midka dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya. Labada dal ayaa ku heshiiyay in xayiraadda laga qaado qaaadka Kenya, in duulimaadyo toos ah ay ka baxaan Muqdisho ilaa Nairobi oo aan Wajer la marin iyo in Bangiga Kenya Commercial Bank uu xarun ka furto Muqdisho bisha December ee sanadkan.

Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la fududeeyo ganacsiga iyo isu socodka labada dal gaar ahaan ganacsiga xadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com