Sawirro: Shirka IGAD ee Muqdisho oo goordhow si rasmi ah u furmay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa qadar yar un ka hor magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Peace ka furmay shir madaxeedka 28-aad ee Madaxda Wadamada ku bahoobay IGAD.

Shirkaani oo ka furmaayay Hotel Peace ayaa waxaa ku sugan Madaxdii shirka uu khuseeyay, iyadoo Madaxweynaha Jabuuti uu matalaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkiisa.

Shirkaani ayaa inta uu socdo diirada lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Sudan iyo Arrimaha diyaargarowga doorashada Somalia.

Shirka ayaa waxaa lagu marti galiyay wadamada Djibouti, Ethiopia,Kenya, Koonfuurta Sudan, Jamhuuriyadda Suudaan, dalka Uganda iyo Somalia oo iyada marti galisay shirka.

Shirka ayaa waxaa isla shir guddoominaaya Madaxweynaha Somalia, Kenya iyo Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia.
igad-1

igad-2

igad-3

igad-4