Caasimada Online: Shaqsiyaadka 2012 loo aqoonsaday Daljirka-Muuqda!

Bulshooy muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo dadaal dheeri ah muujiya amaba dadka iyo dalkaba wax ku soo kordhiya, wuxuu kaa mudan yahay mahad celin guud iyo inaan abaal kiisa daah la saarin ee si daalacan ah farta loogu fiiqo, maxaa yeelay waan hubaa marka uu halyeygu geeriyoodo inaad u ilmeyn doonto amaantiisana aad badin doonto, haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxey tahay “yaa ka mid ah halyeeyadii ugu cad caddaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax qabadka tayada leh soo muujiyay sanadkan sii dhamaanaya ee 2012ka”.

Daljire muuqda.

Dr:- Xuseen sheekh Axmed Hilowle, oo loo yaqaanno ( Kadare ) 1952dii ayuu soo bandhigay far qoraal aan laatiin aheyn oo uu isaga hal-abuurkeeda lahaa uguna magac daray ( Kadariya ) taas oo madbacadihii dalka ka jiray awgood aanay suura gelin in la qaato lagana door biday farta laatiinka ah oo uu hadda afsoomaaligu ku qoran yahay. Afku waa midka kaliya ah ee aanay umadda soomaaliyeed weligeed isku khilaafin kuna kala tagin meel kasta oo ay joogtaba, guushaasna waxaa iska leh halyeeyo uu ka mid ahaa Dr, kadare.

Dr:- Kadare, waa taariikh nool oo ku dayasho mudan, waayo waa shakhsiga kaliya ah ee hadda weli ka sii nool guddigii afka Soomaaliga ee u istaagay in ay abuuraan far qoraal ay yeelato bulshada soomaaliyeed oo aan 1972dii wixii ka horreeyay aanu afkeedu qorneyn, sidaa darteed, waxaannu leennahay “mudane taariikhdu ku ma illaawi doonto, waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Prf:- Maxamed Cusmaan ( Jawaari ) waxaa uu nasiib u yeeshay in uu guddoon u noqdo 275 xildhibaan oo matalaya masiirka ummadda Soomaaliyeed, waa waaya arag muddo dheer ku soo dhex jiray howl fulinta qaranka soomaaliyeed ilaa iyo xilligii kacanka.

Prf:- Jawaari, wuxuu si xilkasnimo iyo waddaniyadi ay ku dheehan tahay u maareeyay habeyntii baarlamaanka iyo doorashadii dalka ee taariikhiga aheyd ee madaxtinimo raadinteeda ay u soo istaageen musharrixiin wada ruug caddaa ahaa, taasoo u dhacday si aan is qab qabsi laheyn laguna wada qancay, inta badanna waxaa taasi sahlay hannaankii degganaanta lahaa ee uu prf- jawaari wax u soo maamulay, sidaa darteed, waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljirrada muuqda ee 2012ka.

Daljire muuqda.

Amiin Caamir, waa farshaxaniiste caan ku ah sawir gacmeedyada iyo gaar ahaan kartoonnada siyaasadeed ee bulshada lagu wacyi geliyo, waa siyaasi la jaan qaada hadba dabeysha siyaasadeed ee is rog rogga badan dhanka saxda ah ee laga filan karo ama ay ku sii jeeddo waana duruus toosin ah oo loo baahan yahay in la fahmo cuqda la’aan.

Amiin Caamir oo uu kartoonkiisa siyaasadeed dhaliil u badan yahay, waxaa mar walba ka carooda intii ay dhaliishaasi saameyso, waxaana ku farxa inta aaminsan in ay dhaliishaasi tahay mid sax oo sidii la rabay loo abbaaray, taasoo mar walba ku saleysan kala duwanaashaha dhanka fikirka ee u dhaxeeya bulshada soomaaliyeed.

daljirka2012Haddaba Amiin Caamir, waxaan ku sii guubaabineynaa inuusan ka caajisin wacyi gelinta bulshada tusaalaha iyo toosinta uga baratay ee subax walba farshaxan kiisa dhaayaha ku heysa, sidaa darteed, waxaannu leennahay ” mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Khadiijo C/llaahi Cameey oo ku magac dheer ( Daleys )marka laga reebo Shamis abokor ( Guduudo Carwo ) oo Raadiyo hargeysa heesaha ku soo billowday, Daleys waxey aheyd gabadhii ugu horreysay ee raadiyo Muqdisho ka heesta dhismihii fanka soomaaliyeedna kaalin weyn ka soo qaadatay, iyada oo afsoomaaliga guud ahaan maay iyo maxaa tiriba si muuqata oo fasiix ah ugu soo wada heestay.

Khadiija C/llaahi Daleys wey soo halgantay xilligii gobannimo doonka aheyd welina halgankeedi bey sii waddaa, sababta ay weli isu sii dhibeysana waa dad iyo dal jacayl, waxeyna meel walba ka ruxeysaa calaankaa buluugga ah, sidaa darteed iyaduna waxaannu leennahay “Maama taariikhdu ku ma illaawi doonto, waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Dr:- Maxamed Daahir Afrax, waa qoraa sare oo caan ka ah geyiga soomaaliyeed iyo meel walba oo ay soomaalidu deggan tahay, waxey dadka intiisa badan ku xusuustaan sheekooyinkiisii caanka noqday ee kala ahaa ( Maana faay iyo Galti macruuf )

Maa daama shacbiga soomaaliyeed uu qaran bur bur ku soo dhacay, wuxuu Maxmed daahir isku mashquuliyay inuusan afkoodu burburkaasi saameynin, wuxuuna madax ka ururka qalinleyda soomaaliyeed ( Somali pen ) kaasoo wax badan ka qabtay ururinta afka hooyo, waxaana ugu danbeystii laguu guuleystay qaamuus guud oo afsoomaali ah in lagu soo bandhigo dalka jabuuti shanta soomaaliyeedna leysugu keeno.

Waxaan is leeyahay taasi waa guul uu dareemi karo qof kasta oo soomaali ah, waxaana mahaddeeda iska leh intii howshaasi ka mira dhalisay gaar ahaan Maxamed daahi afrax, sidaa daraadeed waxaannu leennahay ” mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Abwaan: C/dhuux Yuusuf Xasan, waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii aan 22kii sanoo ee dalka burbursanaa aan marnaba dibadda uga bixin una soo dhabar adeegay hoog iyo halaag wixii dalka ka dhacayay, taas oo aheyd naf hurnimo iyo u bareerid waddaninimo.

Xilliyadii uu burburka jiray abwaan C/dhuux, waxaa lagu xusuustaa maansooyin kiisii uu bulshada ku wacyi gelinayay, gaar ahaan riwaayaddiisii la magac baxday ” Darajo iyo xil yaa mudan?” ee laga dhigay muqdisho iyo kulan weynihii Carta ee dalka jabuuti.

Abwaan C/dhuux hadda waa maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada wuxuu halkiisii ka sii wadaa dadaalkiisii ahaa qaran doonnimada, waana hormeeyaha kala haga bah weynta fannaaniinta Soomaaliyeed ee hal-abuurka iyo suugaanta ku mideysan, sidaa darteed waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Maxamed Aadan Teerra, waa weriye caan ah oo ka mid ahaa weriyayaashii xilligii kacaanka ka shaqeyn jiray Raadiyo Muqdisho, waana shakhsi isku darsaday degganaan iyo aftahannimo dheeri ah, isaga oo bulshada inteeda badanna sidaa ku kasbada.

Weriya Teerra, waxaa uu hadda jooga carriga ingiriiska, wuxuuna ka dhex muuqdaa mid ka mid ah TV-yada sida gaarka ah loo leeyahay ee ay xaruuntoodu tahay London, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa barnaamijka fool ka fool ee uu ka daadihiyo TV-ga lagu magacaabo Universal.

Teerra, barnaamij socod siintiisa waa mid dhaxal gal ah oo bulshada wax ku soo kordhin karta, waayo, wuxuu isticmaala ereyo aqoon xanbaarsan oo taariikh iyo suugaanba leh taasina waa mid dhiirri gelin iyo hambalyadeeda mudan, sidaa darteed waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Ugu danbeystii dhammaan daljirrada muuqda ee aanay suura gelin in magacyadooda halkan lagu xuso waxaan ugu cudur daareynaa inaan la illaawin ee ay yihiin dad tirsan oo uu qaranku dugsanayo ee samir lahaa. sidoo kale daljirrada dahsoon ee suxufiyiinta, fannaaniinta iyo ciidamadaba leh ee u geeriyooday howl gudasho qaran darteed, waxaannu leennaha baal dahab ah baad ku qoran tihiin ee naxariistii janno eebbahay ha idin siiyo. Aaamiin.

Tani waa aragtideyda gaarka ah iyo sida ay ila noqotay, qalinkuna ilduuf wuu yeelan karaa ee wixii talo bixin iyo tusaaleynba igu soo hagaaji adigoo raalli ah.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com