Madaxwayne Xasan Sheikh oo u hanjabay saraakiisha Dowladda

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa ugu hanjabay Saraakiisha dowlada Soomaaliya inay kasban doonaan ciqaab hadii Askari dowlada ka tirsan uu dadka Shacabka wax yeeleeyo.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa mar kale  uga digay  Askariga dowlada Soomaaliya inuu kufsado ama uu  ku tagrili falo awooda labiska aan loo dulqaadan doonin.

Wuxuu sheegay Madaxwayne Xasan qaladkii uu sameeyo Askariga isagana uu u jeewan yahay Sarkaalka Askariga uu hoostago.

Sarkaalka iyo Askariga ayuu sheegay in Maxkamada ciidamada qalabka Sida ay go’aan adag  ka qaadan doonto.

Ugu dambayn waxaa  kala hadlay ciidamada dowlada inay yeesheen adaab wanaagsan ma ahan buu yiri in la yiraahdo Askariga waa kuwii mara calasta ahaa.