UNHCR oo warbixin ka soo saartay dooni ku degtay xeebaha Soomaaliya

Geneva (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah hey’adda qoxootiga QM u qaabisan ee UNHCR ayaa lagu sheegay in 55-qof oo ah tahriibayaal Soomaaliya iyo Ethiopian in ay ku dhinteen dooni ku degtay xeebaha Soomaaliya.
Hay’addu waxey sheegtay in doonidu ay rogmatay 15- daqiiqo kaddib marlkii ay ka baxeen xeebaha Soomaaliya iyoona ku sii jeeday  waddanka Yemen ee ku yaalla gacanka cadmeed.

UHNHR ayaa xustay in dhacdadan ay ka badbaadeen illaa shan qof oo ahaan dadkii la socoday doonida degtay kuwaasoo  soo dabaashay,

“Meydka illaa 22-qof ayaa la helay laakin 32- kale ayaa weli maqan kuwaasoo loo marleenaayo in ay ku hafteen biyaha,” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR.

QM ayaa sheegtay in shilkaas uu yahay kii ugu xumaa ee ka dhaca gacanka cadmeed tan iyo bishii February 201-dii, markaas oo 57-Soomaali magangalyo doon ah ay ku dhinteen badda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in doonidu rarku ku badnaa markii ay ka shiraacaneysay dekedda magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Si kastaba, QM ayaa sheegtay in tahriibayaal gaaraya 100, kun ay ka gudbeen badda-cas iyo gacanka cadmeed sanadkan oo kaliya.
Tobannaan kun oo qof ayaa oo ka taga geeska Africa ayaa ka gudba Gacanta Cadmeed sannad

Waxaana marka laga soo tago qatarta ay kala kulmaan ciriiriga doonyaha, iyo safarka badaha, waxaa kaloo ay dhibaato kala kulmaan, dadka wax tahriibiya ee doonyaha wata oo dhac, jir dil, kufsi iyo xitaa dil u geysta, sida lagu sheegay warbixinta UNHCR.
Ugu dambeen warbixinta waxa lagu sheegay in 95-qof oo tahriibeyaal ah oo ku safray biyaha gacanka cadmeed sanadkii la soo dhaafay la waayay ama ay ay ku dhinteen.