Ciidamada DF oo saaka dagaal ku ah Raaskambooni + Wararki u dambeeyay

Wararka Saakay laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolla Jubada hoose ayaa sheegaya in xiisad wali ay ka jirto magaalada, walow dhinaca kale ay socdaan waan waan.

Kadib markii maalintii shalay magaalada Kismaayo uu ka dhcay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa saaakay waxaa qaban qaabo dagaal ay ka jirtaa gudaha magaalada.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay heegan adag ku jirta halka kuwa Raaskambooni ee ka amar qaata Axmad madoobe lamid yihiin,waxaana warar gaar ah oo aan helnay ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay yihiin kuwa isku dayaya inay dagaalka qaadaan, balse illaa iyo hadda lala hadlayo, oo ay socdaan wada hadallo lagu celinayo.

Dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo ayaa waxaa uu yimid markii dagaalyahanada jabhada Raaskamboono ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada ay ku lahaayeen xaafada Calanley halkaas oo ay lacag ku qaadaan.

Marka xiisada jirta laga soo taago waxaa soconaya waan waan ay wadaan Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Kenya kaas oo ay ku kala qaadayaan dhinacyada dagaalaya, ayada oo inta badan ay si xoogan ula hadlayaan ciidanka Dowladda ka careysan dagaalkii gaadmada ahaa ee shalay kaga yimid maleeshiyada Raaskambooni.