CR7 oo ka maseyray Messi xilli uu ku dhowyahay inuu ka tago Real.

Cristiano Ronaldo ayaa wei dareemaya inay tahay inuu ka dhaqaaqo Santiago Bernabeu xagaaga wuxuuna aaminsan yahay inuusan helin naashnaashka uu helo Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa heshiiska u dheereeyey kooxdiisa Barcelona Isbuucaan wuxuuna lasii joogi doonaa ilaa 2018, markaasoo ay ku beegan tahay dhalashadiisa 31aad.

Waxaa la rajeynayaa in sidoo kale heshiiskaan loogu kordhiyo mushaarka uu kooxda ka qaato iyadoo sanadii la gaarsiin doono 12.5 milyan oo ginni.

Laakiin sida laga soo xigtay wargeyska kazoo baxda dalka Spain Marca, Ronaldo ayaa weli laga dareemayaa inuu u careysan yahay kooxdiisa uusan faraxsaneyn, wuxuuna aaminsan yahay inuu u qalmo in loo naashnaasho sida Lionel Messi.

Halka Messi uu qandaraaskiisa Barcelona lix heer cusbooneysiiyey,  Ronaldo ayaan weli laga dalban inuu qandaraaska kooxda u kordhiyo tan iyo markii uu 80 milyan oo ginni Old Trafford kaga soo dhaqaaqay 2009.

Cristiano ayaa 169 gool u dhaliyey Los Blancos 170 kulan oo uu u saftay, halka Messi uu dhowaan jebiyey Rikoorkii gool dhalinta hal sano ee 40 sano la gaari waayey ee Gerd Muller.

Labada xidig ayaa u sharaxan Abaal marinta FIFA Ballon d’Or iyadoo uu ku wehliyo xidiga kale ee kooxda Barcelona Andres Iniesta.