Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Kismaayo & Dagaaladii Maanta…

Kismaayo (Caasimada Online) Inta la ogyahay shan qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay saaka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose.

Dadka deeganka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hub culus, isla markaana ay jiraan dad dhintay iyo ku dhaawacmay.

Waxa dadka dhintay ku jira ciidamada milatariga ee magaalada ku sugan iyo dad rayid ah, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaalada.

Cabdi Nasiir Seeraar oo ah afhayeenka maamulka ku-meel-gaarka ee magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay in magaalada wax dagaal ah uusan ka dhicin, laakin ay saxaafadda bara-bagaando ay baahisay.

Wuxuu yiri “ Magaalada waa ay xasiloontahay, wax dhib ahna kama jiro, waxa ka dhacay magaalada ciidamo isku dayi rabay in ay gadood sameeyaan, laakin markii dambe la soo qabtay, intaas yar ayaa magaalada ka dhacay, wax dagaal ahna kama jiro magaalada oo gacanta annaga ayaa ku heynaa”

Qof ku sugan magaalada ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in magaalada saaka laga maqlay hub culus, isla markaana meydad lagu arkay wadooyinka.

Wuxu yiri : “ Dagaalka magaalada ayaa bilowday saaka lixdii aroornimo waxana uu socday illaa 10-kii barqo nimo, waxa la isku adeegsaday