CABDI JUXA oo afgambi ku qeexay tallaabadii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo haatan ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa ka falceliyey qoraalkii xalay ka soo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, kaas oo bannaanka soo dhigay khilaaf horleh ookala dhexeeyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Juxa ayaa war uu soo saaray ciwaan uga dhigay ‘FARMAAJO OO AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB’ wuxuuna sheegay in qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha uu ku laalayo heshiiskii & hannaanka doorashooyinka dalka.

“Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu gabi ahaan istaagay hannaankii dastuurka iyo dowlad dhiska Soomaaliya ee kasoo billowday Carta, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto,” ayuu markale qoraalkan ku yiri wasiirki hore ee arrimaha gudaha.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti ah, VILLA Somaliyana aysan saamayn ku lahayn,”.

Ugu dambeyn wuxuu tallaabada uu qaaday Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay ‘Afgembi’ labaad oo dhacay, iyada oo aan weli laga soo kaban boogihii ka dhashay kii horey u dhacay.

“Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay,” ayuu ku soo gabagabeeyey falcelntiisa Juxa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo xalay madaxweynaha Soomaaliya soo saaray qoraal liddi ku ah Rooble oo uu ku eedeeyey inuu gudan waayey waajibaadkii loo igmaday, waxaana tani ay dhalisay inuu bannaanka u soo baxo khilaafka labada nin ee ugu sarreyso.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii