Farmaajo oo caddeeyey inuu qorsheynayo xil ka-qaadista Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qorsheynaya in xilka laga qaado ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Farmaajo ayaa damaciisa si aan gabasho laheyn ugu caddeeyey qoraalkii uu soo saaray abaare 2-dii aroornimo ee maanta, ee uu shirka isugu yeeray madax goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa.

Hoggaanka uu Farmaajo doonayo in la isku waafaqo ayaa sida aan xogta ku helnay loola jeeda ra’iisul wasaare cusub, waxaana durba qorshahan billaabay guddoomiyihii hore ee baaralamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Mursal oo shalay khudbad ka jeediyey Xamar ayaa tusmeeyey damaca isaga iyo Farmaajo kadib markii uu sheegay in heshiiska 27-ka September uu ku egyahay dhammaadka bisha, taasi oo meel uu ka keenay aan la garaneyn, balse loo fahmay arbushaad cusub.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa xil ka-qaadista ra’iisul wasaare Rooble taageero uga raadinaya qaar ka mid ah mucaaradka, isaga oo ku qancinaya inuu ra’iisul wasaare ayaga ka keeni doono.

Si kastaba, inta badan mucaaradka ayaa diidan isku dayga Farmaajo, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in qaarkood uu damac qaado oo ay u dhuuntaan madaxweynaha.

Tallaabooyinka cusub ee Farmaajo ayaa dalka geliyey qalalaase siyaasadeed oo horleh, waxayna caddeyn u noqdeen in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho intuu Villa Somalia ku sugan yahay.