Shirkii ROOBLE iyo madax goboleedyada oo baaqday, wajahayana shaki badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada ee la filayey inuu berri ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhacay, wuxuuna wajahayaa shaki badan oo ku aadan inuu qabsoomi doono.

Shirka ayaa dib loogu dhigay codsi ka yimid madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo sheegay inuu doonayo in marka hore uu dhammeeyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Boosaaso.

Waxaa hadda Puntland ku sugan madaxdii hore ee Puntland iyo xubno horey xilal uga soo qabtay dowladda federaalka, kuwaas oo xal u raadinaya xiisadda, wuxuuna Deni codsaday in la siiyo muddo toddobaad ah.

Hase yeeshee, xitaa haddii Deni uu kasoo dhammaado arrinta Boosaas, waxaa shaki ku jiraa inuu shirkan dhici doono, kadib markii madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna shir isugu yeeray madax goboleedyada.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen laga yaabo inay qaadacaan shirka uu Rooble ku baaqay.

Ka hor shirka uu Farmaajo iclaamiyey, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa ku hanjabayey inaysan ka qeyb-geli doonin shirka, haddii aan lasoo celin guddoomiyeyaashii guddiyada doorashada ee la eryey.

Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federaal Maxamed Xasna Cirro ayaa waxaa shalay xilka ka qaaday xubnaha kale ee guddiga, halka guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka Xuseen Maxamed Maxamuud iyo lix xubnood oo kale uu toddobaad kahor eryey ra’iisul wasaare Rooble. Labada guddoomiye ayaa ku xirnaa Villa Somalia.

Si kastaba, shirka uu ku baaqay Farmaajo ayaa abuuray xaalad siyaasadeed cusub, waxayna u badan tahay inay kasii darto kahor inta aan la isugu iman shirka dibka u dhacay ee uu Rooble ku baaqay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Farmaajo iyo Mursal ayaa qorsheynaya in xilka laga qaado Rooble, waxaana suurta-gal ah in taasi ay ku dhacdo maalmo gudahood.