Cabdiraxmaan Odawaa ma hadda ayuu mar kale Farmaajo u qiray madaxweynenimo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa shalay u muuqday inuu is-hilmaamay markii uu u hambalyeeyey taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, oo uu Farmaajo u dalacsiiyey darajada Jeneraal.

Odowaa ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Hambalyo Sareeeye Guuto Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan.”

Hase yeeshee, Odowaa ayaa Farxaan Qaroole ugu hambalyeey darajo sharci-darro ah, marka la eego waxa uu Odawaa aaminsan yahay oo ah in Farmaajo “uusan darjo bixin karin ama qaadi karin,” wixii ka dambeeyey 8-dii Febraayo.

Markii uu Farmaajo darajooyinka ciidan ka xayuubiyey Jeneraal Saadaq John 13-kii April ayuu Odowaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Xay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa aan maqli jiray, Farmaajo wax xil ah dalkaan uma haayo sharci darro ayuu ku joogaa, darajo uu bixiyay 8 Febarayo ka dib iyo mid uu qaaday midna sharci ma ahan.Waxa ay ku biirayaan liiska xad gudubyada uu gaysanaayo oo u qormaya. Generaal Sadaq Cumar quluubta dadka Soomaliyeed ayuu Jenaraal iyo ka badanba ku yahay.”

Haddaba Odowaa, ma wuxuu hadda qirsan yahay sharciyadda Farmaajo, mise waxaa u jira laba Farmaajo oo kala ah kii darajooyinka ka xayuubiyey Saadaq iyo midka darajooyinka siiyey Farxaan Qaroole?

Laba qalbiyeynta iyo mabda’ la’aanta Odowaa ayaa waxaa si xooggan u cambaareyey shacabka ku xiran bartiisa facebook iyo baraha kale ee bulshada.

Waxay u egtahay in Odowaa ay hambalyada Farxaan Qaroole oo ay isku reer yihiin ay kala weynaatay inuu ka tago wixii uu ka aaminsanaa mabda’ ahaan muddo bilooyin ah.

Gefka Odowaa mid la mid ah waxaa sidoo kale shalay ku dhacay Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo isna shalay Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” kadib muddo uu inkirsanaa.

Ficillada labadooda ayaa tusaale u ah in Soomaalida ay ku yar yihiin siyaasiyiin mabda’ iyo qiyam leh, oo dhammaantood ay mucaaradnimadooda iyo muxaafadnimadooda ay saldhig u yihiin danta gaarka ah ee shaqsi, koox ama qoys.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii