Taliyihii amniga degmada Dayniile iyo askar ilaalo u aheyd oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo ay waxyeelo xoogan kasoo saartay saraakiil iyo askar ciidan.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in duleedka isbitaalka Dayniile lagula eegtay gaari uu la socdan taliyaha amniga degmadaasi, Cabdisamad Ugaas Xaashi Ugaas Faracade, kaas oo lasoo wariyey inuu ku dhintay weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in isla qaraxaasi ay ku dhinteen saddex askari oo gaariga la saarneyd taliyaha, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Cismaan Wehliya (Fajagaal), Cabdicasiis Indha-Murux Cabdulle (Ariirow) iyo mid kale oo magaciisa lagu soo koobay Miiroow

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha iyo askarta la socotay ee geeriyootay inay ku sii jeedeen, iyaga oo gurmad ah, halka loo yaqaano Saqiiro oo xilligaas ay ka socotay is-rasaaseyn u dhexeysay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, waxayna kasoo qaadeen meydka taliyaha iyo askarta la socotay, kuwaas oo isla maanta lagu aasayo magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi lagu dilay taliyaha amniga Dayniile iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dayniile waxaa horay uga dhacay dilal iyo weeraro qorsheysan oo qaarkood lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii