CC Shakuur oo shaaciyey waxa uga dhex-baxay hadalkii Mursal ee shalay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday fasiraado badan oo uga soo dhex-baxay hadal-jeedintii shalay ee guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal oo sheegay in heshiiska doorashada uu ku egyahay inta ka hartay sanadkaan 2021-ka.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in hadalkii Maxamed Mursal uu muujinayo mowjado kale oo mudo kororsi ah oo isaga iyo Farmaajo ay ka shaqeynayaan, isagoo baaq u diray Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Cabdiramaan ayaa hadalkii Mursal ku macneeyey fariinta saxda ah ee Madaxweyne Farmaajo uu u diray dadka Soomaaliyeed,

“Guddoomiyihii hore Maxamed Mursal waxuu sheegay 24 xildhibaan in la doorto inay qaadatay 55 maalmood, waxuu kaloo sheegay in heshiiskii 17-September uu ku egyahay sanadkaan 2021-ka oo maalmo yar ay ka hareen, isagoo sheegay in hey’daha dastuuriga ah ama baarkamaanku uu sii jiri doono, waxuu kaloo shegay in qodobka 30 aan laga jixinjixi doonin oo uu sii jiri doono,” ayuu yiri Cabdiramaan Cabdishakuur.

Cabdiramaan ayaa sidoo kale sheegay in markii la isku daro hadalkaas iyo dibin daabyo uu sheegay in maalmahaan ay waday kooxda Farmaajo ay muujinayaan, in Villa Somalia ay xoogga saareyso in la baahiyo shirka golaha wadatashiga qaranka oo loo balansan yahay 27-ka bishan.

“Waxaan ognahay Villa Somalia inay ku howlan tahay aruursiga ciidanka, dalacsiinta saraakiil iyo u diyaar garowga marxaladda soo socota, waxaan kaloo ognahay in Villa Somalia ay ku holan tahay in la baajiyo shirka golaha wadatashiga qaran ama la fashiliyo natiijadiisa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Farmaajo uu doonayo in markii uu guuleysto qorshahaan lagu fashilinayo shirka Ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada, ay isaga iyo Mursal shiri doonaan baarlamaanka, si mudo kororsi kale loo sameeyo.

“Farmaajo iyo kooxda yar ee Villa Somalia kula xareysan ee shirqoolka iyo in dalkaan fidno galo ka shaqeyneysa, waxaan leeyahay taas ka waantooba, u soo noqda dadka aad meteshaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay inay si mas’uuliyad iyo daacadnimo leh ay u maareeyaan marxaladaan, maadaama ay ayaga saaran tahay mas’uuliyadda marxaladaan kala guurka ah.

Hoos ka daawo