QM oo jawaab ka bixisay go’aankii DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – War kasoo baxay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku xirta Terminalka garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee loo yaqaano (MOVCON), kaas oo ay adeegsan jiraan QM, AMISOM iyo safaaradaha reer Galbeedka.

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay ay aad u ixtiraameyso go’aamada dowladda Soomaaliya, isla-markaana ay u shaqeyneyso si waafaqsan heshiisyada labada dhinac.

“In Qaramada Midoobay ay Soomaaliya uga shaqaynayso iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee khuseeya ee ay kala saxiixdeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee lacagaha, barnaamijyada, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Xuquuqda iyo Xasaanadda ee Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay QM.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay aad uga xun tahay xiritaanka Terminalka Aadan Cadde oo ay sheegtay in aan wax wada-tashi lagala sameyn, ka hor go’aanka soo baxay.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaanan ka xunnahay in tilmaamahan xiritaanka si lama filaan ah loo soo saaray oo wada tashi laga samayn”.

Qoraalka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya “Eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loogu sameeyo baaritaan,”.

Ugu dambeyn QM ayaa xustay inay sii wadi doonto wada-shaqeynta dowladda federaalka, isla-markaana ay ka qeyb qaadan doonto caawinta dadka Soomaaliyeed.

“Qaramada Midoobay wali waxaa ka go’an iskaashiga ay la yeellato Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda in kasta oo ay jiraan carqalado dhanka shaqada ah,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Jawaabta ay bixisay QM ayaa ku soo aadeyso maalmo uun, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhowaaqday inay xirtay Terminal-ka MOVCON ee garoonk Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, iyada oo eedeymo u jeedisay QM, AMISOM iyo reer galbeedka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii