CC Shakuur oo 5 qodob soo saaray, kadib tallaabadii uu qaaday Farmaajo (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo sooray qoraal xasaasi ah oo uu ugu falceliyey tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay Farmaajo uu yahay nabar la filayey naxdin ma laha, sida uu hadalka u dhigay.

“Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu falcelintiisa ku soo koobay illaa shan qodob uu kaga hadlay arrinta Farmaajo iyo sidoo kale xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in awooda dhameystirtka doorashooyinka uu leeyahay ra’iisul wasaare Rooble, maadaama uu Farmaajo ka dhammaaday muddo xileedka.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo,” ayuu markale sii raaciyey.

Halkan hoose ka aqriso:-

Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob;

1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.

2-  Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.

3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.

4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.

5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii