SAWIRRO: Cabdi Qeybdiid & Wasiir Odowaa oo kulan gaar ah yeeshay

Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhexmaray wasiirka arimaha gudaha iyo madaxweynaha Galmudug.

Kulanka ayaa ka dhacay deegaanka Gidheys oo ku dhawaad 20 KM u jira magaalada Cadaado halkaasi oo ay ku sugnaayeen Odayaal iyo madaxweyne C/qeybdiid.

Kulanka gaar ah ee dhexmaray C/qeybdiid iyo C/raxmaan Maxamed Xuseen waxaa looga hadlayay sidii C/qeybdiid looga dhaadhicin lahaa ka tanaasulida fikirkiisii hore.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlayay sidii C/qeybdiid uu dib ugu laaban lahaa magaalada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in C/Qeybdiid uu sheegay inuu yahay musharax u taagan xilkaasi uu sii ahaanayo ilaa wadada toosan lagu soconayo.

Wuxuu kala jeeday in wasaarada arimaha gudaha ay joojiso faragelinta ay ku heyso shirka ka soconaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

ds4

ds5

ds6

ds7

ds8

ds9

ds10

ds11

ds12

ds13

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com