Beel qaadacday Shirka Wadatashiga & baaq loo diray DF Somalia (Bayaan)

Muqdisho (Caasimada Online)-Beesha waxay si qoto dheer ula socotey arimaha ka socda Puntland iyo Gobolada dhexe labadaba iyadoo Madaxweynaha Dawlada Goboleedka Puntland Abdiwali Ali Gaas uu ku dhawaaqey in shir wada tashi iyo turxaan bixin ah loo qabanayo beelaha Puntland, dib u eegisna lagu sameynayo Puntland wixii u qabsoomey, waxyaabaha ka dhiman iyo waliba beelaha iyo deegaamada ku dulman maamulkaas.

Waxaa kaloo beeshu la socotey dawlada Fedaralka ah,Beesha caalamka, shaqsiyaad iyo beelo gaar ah in ay u sameynayaan maamul gobaleed Mudug iyo galgaduud. iyadoo la sheegey in saxiixayaal iyo gudi farsamo loo xilsaarey qabashada shirka maamulka lagu sameynayo ku waa soo aysan u dhaneyn dadka labada gobol deggan dastuurkana waa faqsaneyn.

Waxay kaloo beeshu la socotaa in gobolka mudug la isku haysto, meesha uu raacayo iyadoo loo aqoonsadey labada maamul ee waqooyi iyo koonfur oo labo beelood kala sameysteen xaqiiqduna arintaas ka fogtahay.

Sidaas daraadeed, kadib markii ay beesha Tanade waxgaradkeedu xiriir iyo xog is dhaafsi ka yeesheen waxay soo saareen bayaan kaan hoos ku qoran.

Qodobka Koobaad:
Shirka la sheegey in lagu qabanayo Gaalkacyo waa aan qaadacney! kamana qaybgaleyno , cidii ka qaybgashaana nama matasho.

Qodobka labaad:
Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka Puntland waxaan uga digeynaa in la abuuro xaalado colaad iyo dhibaatooyin keeni karta.

Qodobka Sedexaad:
Gobolka Mudug arintiisu kama go’do labo beelood iyo Shaqsiyaad gaar ah . magaalada gaalkacyana ma ahan laba xaafadood oo lakala yiraahdo koonfur iyo waqooyi.

Qodobka Afaraad:
Beelaha Goboka Mudug deggaana Labadaas Maamul kuma dhama.

Qodobka Shanaad:

Dawlada Fedaralka, Beesha caalamka iyo waliba warbaahinta waxaan u cadeyneynaa in ay joojiyaan meel ka dhaca joogtada ah, oo ay ku hayaan beesha Tanade oo degta Gobalka Bari , Nugaal, iyo Gobolka Mudug, annagoo aad uga xun in ay u aqoonsadaan shaqsiyaad iyo beelo gaar ah in ay taldu ka go’do.

Hayadaha Dastuuriga ah ee dawlada Fedaralka sida Madaxweynaha,Baarlamaanka, Xukuumada waxaan ka dooneynaa in ay ka jawaabaan su’aalaha soo socoda?

A) Gobolka Mudug oo ka mid ah 18kii gobol ee soomaliya, mala baabiyey oo waxaa lagu kala darey Nugaal iyo Galgaduud?

b) Ma waxa loo aqoonsadey labo gobol oo waqooyi Mudug iyo koonfurta Mudug la kala yiraahdo oo kala raacaya Maamulka Puntland iyo Midka loo sameynayo Gobolada dhexe? Sideese laga yeelayaa Galbeedka Mudug?

C) Yaase awood u leh in uu go,aanadaas gaaro?

Qodobka lixaad:
Beesha Tanade waxay cadeyneysaa in ay ka mid tahay beelaha talada Gobolka Mudug , ay ka godo ,cid aan u wakiilaney aayaha dadkayaga iyo Gobalkayaga ma jirto.

Gabagabo:

Beesha Tanade waxey ka wada tashaneysaa guddaha iyo dibadaba waxa ay ka yeeleyso sida ay ula dhaqmayaan , Dawlada Federealka ah, Maamulka Puntland, Shaqsiyaadka iyo Beelaha hormuudka ka ah mamulka loo sameynayo gobolada dhexe :

Murti somaliyeed iyo Abwaankii gabyey wuxuu yiri.

Rag kaa faqey, Raafiiq nimaad tihiin, Talo lagaa reebey, Meeshaan lagaa rabin, Indhaha lalama sii raaco.

1) Suldaan Mohamed Jama Shire

2) Suldan Subeer Haji Mohamoud

3) Garad Ali Adan Diini

4) Suldan Mohamoud Haji Mohamud Cagmadhige

5) Dr Adan Ugaas Mohamed

6) Ganacsade :Abdirsaq Ashkir Muuse

7) Nabadoon Ali Warsame Osman (koonbe)

8)Ganacsade:Abdirsiq Abdullahi hashi

9) Ganacsade: Mohamoud Gabal

10) Dr Abdiwali Mohamud Qurux

11) Gen: Ahmed Abdinur Hashi (Ahmed Tajir)

12)Ex Gudomiye: Mohamud Mohamed Cigal

13) Dr Mohamed Ali Madhoodhe

14) Dr Jama Ali Jama

15)Gudomiye Abdigas Khalif fiqi

16)Saciid Ahmed Mohamed( Siciid Bati)

17) Ganacsade Mohamed Wardere

18) Ganacsade Omar M Gurase

19)G/sade Abdirahman Jama (dhagase)

20) Aqonyahan: Abdullahi Yaasiin

21)Ex Wasiir Saleeban Siciid Dhoodi

22)Dr Omar Sawjar

23) Caaqil Mohamed Hussien Shaariba Case

24) Aqooyahan Abdikarim Adan Wagaafe

25)Dr Abdullahi Diriye

26) Ex Dirctor Abdisalad Haji Abdi (Buq Buqo)

27) Caaqil Kooshin Ahmed Nur

28) Aqooyahan Abdinur Khalif Hashi

29)Aqooyahan Dahir Khalif Hashi

Bayaankaan waxaa si wada jir ah usoo saaray Odayaasha Beesha Tanade Daarood

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com