XOG Damjadiid oo ku kala qeybsamay Shirka Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in kulan dhex maray xubnaha Damjadiid ka jooga Cadaado ay ku kala qeybsameen shirka socdo.
Saciid Muse oo kamid ah Odayaasha shirka ka qeybqaadanaayo ayaa inoo xaqiijiyay in kala qeybsimida Xubnahaasi ay ka dhalatay kadib markii qeyb ay soo jeediyeen in xubin labaad ay ku kordhistaan Musharaxiinta u taaqan qabashada xilka madaxtinimo, halka qaarkoodna ay ka biyo diideen.

Saciid ayaa sheegay in ujeedkooda u ahaa inay soo sharaxdaan Mas’uul kale si hadii C/kariin Gulleed uu ku gacanseero xulashada uusan u gafin Mas’uulkaani kale, waxa uuna taasi ku sheegay mid fursad badis ah.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Xubnahaasi Damjadiidka ah ay qaarkood la safteen C/kariin Gulleed, islamarkaana sheegen inaan la keeni karin Musharax kale oo ka tirsan Ururka, waxa ayna taasi sababtay in xubnaha ku kala tagaan kulanka.

Wasiir arrimaha Gudaha ayuu sheegay inuu qeyb ka ahaa Khilaafka, waxa uuna sheegay in Odawaa uu garab istaagay C/kariin Gulleed, islamarkaana kasoo horjeestay fakirka garabka kale ee ah in Kooxda ay la imaado xubin kale oo u taagan qabashada xilka Madaxtinimo si aan Kooxdu u seegin damacooda.

Dhinaca kale, Saciid Muse oo iminka ku sugan Cadaado, ayaa sheegay in Khilaafkaani ay xubnaha u gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, balse uusan weli ka bixin wax jawaab ah lana filaayo inuu kasoo jawaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com