SAWIRRO: Madaxweyne Xassan Sheekh oo maanta ku dhex lugeeyay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha DF Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku asteysneyd 15-ka May,taas oo Sanad walba laga Xuso inta badan dalka Somalia.

Madaxweyne Xassan, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada ayaa socod ku maray wadada Hooyooyinka waxa ayna socdaalkaasi ku gaaren daljirka daahsoon, halkaasi oo ay ka soctay Munaasabada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan ayaa Ubax dhigay taalada S.Y.L, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyen Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo iyagu qeyb ka ahaa Munaasabada 15-ka May.

Maalintaan oo ah maalin qiimo weyn ugu fadhisa Ummadda Soomaaliyeed ayaa ah markii la aas aasay Ururkii Gobnimo doonka Somalia ee S.Y.L. kuwaas oo guulo badan u soo hooyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20