Xog: Wasiir ODOWAA oo wajahaya xil ka qaadis

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukumadda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa inuu isku shaandheeyn iyo xilka qaadis ku sameeyo qaar ka mid ah golahiisa Wasiiradda.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federalka Cabdiraxmaan Odowaa ayaa lagu wadaa in xilka laga qaado, waxaana jagadiisa loo magacaabi doonaa Axmed Cabdi Salaan Xaaji Adam.

Wasiir Cabdiraxmaan Odowaa ayaa loo magacaabi doonaa Wasiiru Dowlaha Waxbarashadda halka seefta xilka qaadista ay qaadi doonto Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Mahad Maxamed Salaad.

Cabdiraxmaan Odowaa waxaa xilka qaadistiisa ogolaaday Musharax Cabdi Kariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaan Faarax Cabduqaadir oo rabitaankooda looga dhigay Wasiir.

Qaar ka mida Musharaxiinta iyo Oday dhaqameedyadda goboladda dhexe ayaa Cabdiraxmaan Odowaa ku eedeeyay inuu si toos ah ula saftay CabdiKariim Xuseen Guuleed halkii looga fadhiyay inuu dhex dhexaad ka noqdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com