XOG Dacwad ka dhan ah Xasan Sheekh oo loo gudbiyay Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo naga soo gaarayo dhanka Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Siilaanyo uu dowlada Ethiopia u gudbiyay warqad ka dhan ah DF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in warqadaasi ay ku qoran tahay dacwad uu Madaxweyne Siilaanyo ka qoray Ciidamada ay dhawaan sheegtay DF Somalia ee sida mideysan loogu tababaraayo Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu Madaxweyne Xassan Sheekh sheegay in laga soo kala xuli doono Gobolada dalka.

Siilaanyo ayaa Dowlada Ethiopia uga dacwooday saameynta ay ku yeelan doonaan dhismaha Ciidamadaasi isku dhafka ah, waxa uuna qoraalkiisa ku sheegay in Ciidamadaasi ay duulaan ku yihiin Deegaananada Somaliland.

Waxa uu sidoo kale, qoraalkiisa ku muujiyay in DF Somalia ay damacsan tahay in Deegaanada kala beyra Somaliland iyo Puntland ay u gacan galiso Maamulka Puntland, isagoona taasi ku micneeyay daan daansi Siyaasadeed oo lagu hayo Somaliland.

Dhinaca kale, Siilaanyo ayaa Dowlada Ethiopia ka dalbaday inay wax ka qabato arintaani taagan, maadaama ciidamadaasi ay yihiin kuwo ay tababarayaan Dowladaha Kenya iyo Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com