25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Cabdi Waal oo Caawa laga siidaayay Xabsiga NISA xili sharci darro ay u xiran yihiin..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Caawa Xabsiga Nabadsugida Qaranka laga sii daayay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaan Cabdi Waal.

Deysmada Cabdi Waal, ayaa waxaa ka qeybqaatay Xubno ka kala tirsan labada Gole ee DFS, Saraakiil iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo la sheegay inay damaanad qaaden in Cabdi Waal uusan kusoo xadgudbi doonin Dowlada.

Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, ayaa waxaa Caawa lagu wareejiyay Odayaashiisa, ka dib markii ay Dowladdu aqbashay codsi kaga yimid Siyaasiyiinta iyo Odayaasha.

Odayaasha Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, ayaa Caawa sheegay in Cabdi Waal laga sii daayay Xabsiga islamarkaana uu dib u helay xoriyadiisa.

Hay’ada Nabadsugida ayaa waxaa ilaa iyo hada u xiran Sargaal lagu magacaabo Cabdi Ileys oo wada shaqeyn dhanka Hub iibinta ah kala dhexeysay Cabdi Waal, waxa ayna dadku is weydiinayaan waxa uu Cabdi Ileys kaga duwan yahay Cabdi Waal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News