28.1 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Cabdi Waal oo dagaallada Gal-Gaduud si kulul uga hadlay kuna eedeeyey in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedo Gobolada Dhexe, ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada ka dhacay Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Wuxuu dusha kaga tuuray Sii Haayaha Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mahad Maxamed Salaad iyo General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka.

“Dagaalka waxaa ka dambeeyo Mahad Maxamed Salaad iyo General Goobaale, inta aysan imaanin Gobolka Galgaduud dadka waxay ku jooggeen nabadgelyo, markii ay taggeena waxay ka huriyeen dagaalka.” Ayuu yiri Cabdi Nuure Siyaad.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayuu yiri “Mahad Maxamed Salaad iyo Goobaale waxaan lee yahay shalay markii aad timaadeen waxaad bilowdeen in dadka lagu dul dagaalamo.”

Cabdi Waal oo weerar afka ah ku qaaday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Dowladda Xuseen Cali Wehliye (Cirfo), ayaa waxa uu yiri “Shalay markii Cirfo la soo magacaabaayay waxay Ahlu Sunna ku heshiiyeen inuu ahaado Gudoomiye uun, wixii dadka uu u qaban karana uu u qabto. Laakiin si hoose ayay ciidamo ku qorteen, kuna tababartaan. Waxayna shalay markii ay yimaadaan Gobolka ay ku heshiiyeen in dadka lagu dul dagaalamo, la barakaciyo.”

Dhinaca kale Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa ka soconaayo dadaalo lagu doonaayo in xaalada lagu qaboojiyo, si looga gudbo in dagaalada ay noqdaan kuwo sii socda.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay ku kala qaybsan tahay dagaalada ka soo cusboonaaday Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, iyadoo Ciidanka Dowladdu ay la dagaalameen Ciidamada Alsufa.

Alsufa waa ciidan si gaar ah u tababaran oo ka amar-qaata Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh C/risaaq Cali Mire iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, oo ka mid ah masuuliyiinta dhidhibada u taagay Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News