25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

C/WAAL “Qorsho lagu soo dhoodhoobay VILLA SOMALIA maamul looguma dhisayo G/DHEXE”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay faraha kasii baxeyso dhaliilaha loo jeedinaayo DF Somalia, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Cabdi-Nuure Siyaad Cabdi-Waal oo kamid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii Somalia.

Cabdi-Nuure Siyaad waxa uu sheegay in dhowr jeer ay DF Somalia u suuragashay inay Odayaasha iyo waxgaradka ay ku shaqeeyaan fakirkeeda balse iminka siyaasadu ay ka duwan tahay sidii hore.

Wuxuu sheegay ineysan marnaba macquul ahayn in la aqbalo qorshaha Xassan ee ah in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe laga weeciyo Dhuusamareeb taasoo ilaa iyo hada la isku mari la’yahay.

Cabdi-Nuure Siyaad ayaa Madaxweyne Xassan ku eedeeayay inuu yahay Mas’uul inta badan ku shaqeynaaya amaro ay soo fareen dowladaha dagaalka kala dhexeeya Somalia, waxa uuna tilmaamay in looga baahan yahay inuu garwaaqsado in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Dhanka kale, waxa uu cadeeyay in Madaxweyne Xassan uu bulshada Dhuusamareeb u muujinaayo siyaasado looga doorbidaayo kuwa ku dhaqan Cadaado, balse taasi aysan suuragali doonin sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News